U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Eriteriya Iyo Gobolka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo oo jeediyey khudbad gaaban ayaa ka hadlay heshiiska 3-geesoodka ah ee Soomaaliya ay la gashay Eriteriya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in uu Itoobiya mar walbo kala hadli jiray sidii fara-gelinta uga deyn lahaayeen Soomaaliya, taasi oo dhabowday isbadalkii kadib iyo doorashadii Abiy Axmed “Ra’isul wasaara cusub oo hadda yimidna uu ka shaqeynayo in wejiga geeska Afrika isbadal ka dhaco, Haddii ay noqoto dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha, annagana aan uga faa’ideysaneyno in Soomaaliya faragelinta laga dhaafo”.

Farmaajo waxaa uu sheegay in shirka soo socda ka dhici-doono Muqdisho isaga oo rajeeyey ka soo qeyb galka Djibouti“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

Goobjoog News