U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Addis Ababa, Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxmed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa casumaad rasmi ah ka helay dowladda Itoobiya, waxaana halkaasi uu ku sugnaan doonaa muddo Saddex cisho ah.

Sidoo  kale madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Itoobiya la kulmi doona madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka Labada dal.

Waa markii ugu horreysay madaxweyne Farmaajo uu aadayo dalka Itoobiya tan iyo intii xilkaan loo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News