U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wariyaheena Baydhabo ayaa soo sheegaya in ammaanka guud ee magaaladaasi aad loo adkeeyay, iyadoo aysan jirin gaadiid shacab oo magaalada dhex socda.

Shacabka magaalada Baydhabo ayaa maanta lugeynaya, iyadoo la xiray waddooyinka gala madaxtooyada Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kula kulmi doona madaxda maamulka K/galbeed.

Waa safarkii ugu horreeyay oo madaxweyne Farmaajo ku tago magaalada Baydhabo tan iyo markii xilkaan loo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeeena kale Insha Allah

Goobjoog News