U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la filayaa in safar uu ugu baxo dalka Itoobiya.

Sida qorshaha uu yahay, madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa uga qeybgali doona shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xaaladda dalka Koonfurta Sudan, islamarkaana ay ka qeybgali doonaan guud ahaan madaxda IGAD.

Shirkan oo aan ahayn kii madaxda IGAD isugu imaan jireen ayaa diiradda lagu saari doonaa sida looga baaqsan karo dagaal mar kale ka dhaca K/Sudan, maadaama maalmahan dambe xiisad lasoo sheegayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News