Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta o Khamiis ah uu safar ugu ambabaxo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Warka waxaa warbaahita u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo sheegay in madaxweynuhu uu maanta u socdaali doono Jabuuti.

Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka noqon doona Wasiiro, Xildhibanno iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu imaanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyayba uu jiray mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay Labada dowladdood Soomaaliya iyo Jabuuti kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana la filayaa in booqashadan jawaab u noqoto tabashada dowladda Jabuuti.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW