U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan laqaatay  madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed  Maxamuud Cabdi Gabeyre.

Kulanka  madaxweynaha uu layeeshay madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay  labo arrin oo kala ah  inay ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeybqaataan sidii loo samatabixin lahaa dadka Soomaaliyeed oo abaaruhu saameeyeen  iyo inay ganacsatada ay qeybweyn kaqaataan  horumarinta dalka iyo shaqaalisiinta .

Agaasimaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed  Cabdi Abshir Dhoore ayaa ka hadlay kulankii ay wada qaateen madaxweynaha Jumhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed waxa uuna yiri “Warbixin kasoo baxday guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre Rugta ganacsiga waxay matashaa Rugagga ganacsiga maamul Goboleedyada ,madaxda Rugta ganacsiga waxay la kulmeen madaxweynaha cusub ,madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay labo qodob  oo ah in loo gargaaro dadka abaaruhu saameeyeen inta ay dowladda kacaga dhiganayso  iyo inay ganacsatada ay ka qebqaataan horumarka dalka”.

Abshir Dhoore ayaa dhanka kale ka hadlay hoos udhaca ku yimid lacagta doolarka taasoo laga dareemay maalmihii ugu dambeeyey hoos udhacweyn isagoo tilmaamay inaysan ahayn arrintaani mid cusub  ayna doorashadii tan ka horreysan aysidaan oo kale dhacday, isagoo xusan in markaasi ay u istaageen wax kaqabashada doolarka hadana ay wax ka qaban doonaan haddii loo baahdo.

Goobjoog News