U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmaya Dhiggiisa Uganda

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ayaa sheegaya inay soconayaan kulamo ay leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Uganda Uweri Mussevani, waxaana kulamadani lagaga hadlayaa ammaanka.

Ciidamo badan ayaa dowladda Uganda ka jooga dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira xiriirka labada dal inay madaxdu ka shirayaan.

Booqashada oo labo cisho qaadanaysa ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay shalay halkaasi.

Warar ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kala hadlayo dhiggiisa Mussevani arrimo ku saabsan sidii looga taageeri lahaa xagga ammaanka iyo la dagaalanka Alshabaab.

Dowladda Federaalka ayaa xoogga saareysa wax ka qabashada amniga guud ee dalka, iyadoo Muqdisho uu ka socdo howlgalka xasilinta caasimadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News