U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Boqortooyada Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa gaaray caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyad waxaana Airportiga Boqor Khaalid ee magaaladaasi ku soo dhaweeyay amiirka gobolka Riyaad Amiir Faysal  Bin Bandar Bin Cabdi Casis, wasiir ka tirsan golaha wasiiradda Masaacid Bin Maxamed, Xogheyaha gobolka Ibrahim Bin Maxamed Suldaan, Safiirka Boqortooyada ee Kenya iyo Soomaaliya Maxamed Bin Cabdiqani Khayaad, safiirka Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Daahir Maxamud Geelle iyo mas’uuliyiin kale.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga(WAS) oo warkaani qortay ma sheegin kulamada labada dhinac iyo jadwalka mas’uulka Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa Muqdisho lagu doortay 8-dii bishan, waa booqashadii ugu horreysay ee dalka uu uga baxo, lama oga sababta uu u aaday Sacuudiga.

Dalka Sacuudiga waxaa uu ka mid yahay dalalka saameynta ku leh siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, dowladdii Xasan Sheekh waxaa ay xiriirka u xumeysay Sweden iyo Iran markii ay is khilaafeen Sacuudiga, arrintaas oo lagu dhaliilay.

Goobjoog News