U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhoweeyay Ankara

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa casumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi Erdogan, isaga oo la filayo inuu la yeesho kulan waxyaabo badan looga hadli doono.

Ulajeedka safarka madaxweyne Farmaajo ee Turkiga

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Turkiga waxaana lagu wadaa in ay ka wada hadlaan Farmaajo iyo Erdogan xiriirka labada dal, heshiisyadii hore ee labada dhinac iyo shirka London.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir looga hadlayo arrimaha beeraha oo madax badan oo Afrikaan ah uga qeybgalayaan dalka Turkiga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

An3 An2 an1