U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo London U Duulay Iyo Shirka Oo Xoogga Lagu Saarayo Heshiiska Cusub Ee 2020

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ayaa u duulay magaalada London halkaas uu lagu wado in uu shir uga furmo Soomaalida 11-ka bishan.

London waxaa horay u sii joogay madax ka tirsan maamul goboleedyada iyo Lataliyaha madaxweynaha Cabdi Ceyte oo sii diyaariayey soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Shirka London oo ay ka soo qeyb-galayaan dalal badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa looga hadlaa arrimo badan oo siyaasadda, amniga iyo heshiiska cusub ee beesha caalamka ee la xiriira 2020.

Wararka shirka kala soco, Goobjoog News