U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Brussels

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.

Magaaladaas ayaa waxaa ka fumri doona shir ballaaran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeybgalaya maamul goboleedyada dalka, AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha Soomaaaliya, dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, howlgalka AMISOM iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, ajendaha shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dagaallada Tukarraq iyo sida xal looga gaari karo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News