U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Xilalka uu magacaabay madaxweynaha ayaa kala ah agaasimaha guud ee Madaxtooyada, La taliyaha madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda, kaaliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada iyo sidoo kale agaasimaha warfaafinta madaxtooyada.

Sidan ayuuna u kala magacaabay:

1. Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
2. Prof  Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda.
3. Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha
4. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada.
5. Cabdinuur Maxamed Axmed,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa shaqooyin badan, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad amni iyo abaar isugu jirta, waxaana dhanka kale xusid mudan in maanta la magacaabay golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News