Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Danjire Kuwo Kalena U Yeeray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxa ugu magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.
“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiin u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Danjiraha Cusub ee soomaaliya u fadhin doona Boqortooyada sacuudi carabiya ayaa ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda federalka Soomaaliya .
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa u yeeray Danjireyasha Soomaaliya u jooga dalalka Masar iyo suudaan,iyada oo laga dalbaday in mudo todobaad gudaheed ah ay ku yimaadaan Soomaaliya.
Goobjoog News