Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo-saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW