Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir Iyo Tan Racfaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ka dib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW