U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Markale Al-shabaab Ugu Baaqay Wadahadal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa mar kale wuxuu ugu baaqay Xarakada Al-shabaab in wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynaha u diray Al-shabaab farriin ah in aysan dilin shacabka, burburin hantidooda taasi bedalkeedana wadahadal ay la galaan dowladda.

“Waxan u direynaa dib u heshiisiin oo aan ka hadleynay maalmahaan lasoo dhaafay oo idil waa qolada darraad carruurta nooga laayay maqaayad lagu afurayey oo aanu u aabo yeelin dumar, duqey, carruur iyo cirroole oo aan u dirnay cafis oo aan ku dhahnay kaalaya waan wada hadleynaa hubka dhiga , haddii aad la dagaaleysaa dowlad, dowladdaan shacabkaa keenay ee aan wada hadalno, dadkaan haleynina hantidaanna ha burburinna, welina waan ku taagannahay, ilaahay waxaan ka baryeeynaa qoladaasi inuu soo celiyo oo caqligooda ku shaqeeyaan oo ay ka haraan qolada la shaqeysa ee ajanabiga ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed xilligaan aanay u baahneyn colaad joogto ah, balse ay doonayaan nabad iyo horumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sidaan oo kale waxay miiska wadahadal ugu baaqday Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News