U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Laabtay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib shirkii magaalada Garowe.

Madaxweynaha dowled-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku soo Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda dowladda dhexe iyo dowled-gobaled yada ee Soomaaliyeed.

Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho asagoo wax natiija ah aan ka soo gaarin shirkii uu la lahaa madaxda dowlad-gobaledyada kaas oo qeyb ka ahaayeen madaxda dowled-gobaledyada, Raiisal wasaaraha iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Goobjoog News