U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Aan Horey Loo Shaacin Ku Tagey Nairobi, Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa uu safar aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku wehlinaya xubno ka tirsan golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo sidoo kale saraakiil ciidan, kuwaasi oo lagu soo dhoweeyey Nairobi.

Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaato dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ka wadahadli doonaan arrimo quseeya xiriirka Labada dal.

Booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Kenya ayaa qaadan doonta Hal maalin sida uu shaaciyey agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News