U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Uga Qeybgalaya Magaalada Kampala, Uganda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala.

Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada.

Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).