U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada Ee Doorashooyinka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Hadalka ka soo baxay madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa wax yar ka hor markii Ra’iisalwasaare Kheyre oo hadalay’ kulanka golaha wasiirada uu sheegay muddo kororsiga uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed, waxaana dhanka kale Dhuusamareeb isugu tagay madaxda dowlad goboleedyada oo arrinsanayo o xaaladda dalka.

Goobjoog News.