U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaabinaya Booqashadiisa Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa soo gaabinaya safarkii uu ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa warbaahinta u sheegay in  madaxweynaha uu isla maanta dib ugu soo laaban doono dalka si uu uga qeybgalo aaska wasiir Cabaasi Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in madaxweynaha oo dalka ka maqan go’aasaday inuu soo yareeyo safarkiisa  kana qeybgalo aaska wasiirka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Booqashada Madaxweynaha uu ku joogay Itoobiya oo ahayd mid rasmi ah, wuxuuna halkaasi joogi lahaa muddo Saddex cisho ah, balse geerida ku timid wasiirkii howlaha guud ayaa keenaysa inuu dalka dib ugu soo laabto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News