U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Xusay Boqorro Soomaalida Laayey Kana Aaminsanaa Addoomo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa todobaadkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay IGAD oo ka qeybgalay xaflad lagu furayey aqal  ama beer la dhaho (Unity Park), oo lagu keydiyo taariikhda madaxdii Itoobiya laga soo bilaabo boqor Menelik.

Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlayaa ayaa Abiy Axmed uga mahadceliyey inuu dib u dhiso goobtaas, xusana taariikhda hoggaamiyeyaasha Itoobiya, “Waxaa aqalka ku hareereysan taariikh iyo sharaf, Itoobiya waa goob ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan ganacsi iyo dalxiis”.

Haddaba, waa run in hadda uu aad u wanaagsan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, laakin madaxda goobtaas lagu soo bandhigay taariikhdooda, la weyneynayo, lana maamuusayo, madaxweynaha Soomaaliyana uu ammaanay waxaa ka mid ahaa  boqoradda Menelik iyo Haile Selassie, hana ka reebin Mengistu Haile Mariam.

Menelik oo ahaa boqorka 1889-1913,  waxaa lagu sheegaa in ahaa aasaasaha Itoobiyada cusub, mana fiicneyn aragtidiisa Soomaaliya, oo waxaa uu rumeysanaa in dadkeenna adoomo u ahaayeen Itoobiya ilaa muslimiinta xoreeyaan.

Xilli uu Ingiriiska kala hadlayey cidda maamuleysa Soomaaliya, Menelik  waxaa uu London ku yiri “Soomaaliya waa hore,  ka hor inta aaney Muslimiinta ku soo duulin, waxaa ay raaci jireen xoolaha  dadka Itoobiyaanka ee aan ku noolaan karin dhulka hooseeya”, waxaa uu qabay in Soomaalida adoomo ahaayeen, laakn Ingiriiska ayaa arrintaas ku diiday.

Haile Selassie, 44 sano ayuu ahaa boqorka Itoobiya ( 1930 -1974), waxaa uu ahaa ninkii gobolka Soomaali galbeed ama Ogaden kala wareegay Ingiriiska July 24, 1948, la dagaali jiaray The Ogaden Liberation Front (OLF) iyo dagaalo badan oo midkii 64-tii qaranigii tagay ka mid ahaana Soomaaliya la galay.

Mengistu Haile Mariam oo ka mid ah madaxda xarunta la dhigay waxaa uu ahaa ninkii lala galay dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed, in ka badan  10,000 ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, tilaabadan Farmaajana waxaa ay sharaf dhaawac ku tahay shuhadada iyo caruurtooda.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News