U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Qof Aan Qabiil Ku Fogeynayo Ma Jiri Doono

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan waxa uu magaalada Nairobi kula qaatay jaaliyadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay dhinacyadan arrimo u badan ka qeybqaadashada gurmad abaaraha, dib u dhiska dalka iyo arrimo kale oo aad u muhiim ah.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo soo hadal qaaday qaabkii lagu soo xulay wasiirada cusub ee xukuumadda Kheyre, wuxuuna sheegay in wasiirada waxa ugu horreeyo ee uu u sheegay ay tahay ineysan qabiil matalin oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan xilka loo dhiibayo.

Farmaajo ayaa sheegay in shaqsi ahaan isaga aanu jiri doonin cid uu qabiil kusoo dhoweysto ama qabiil uu ku fogeeyo, wuxuuna sheegay inuu yahay madaxweyne Soomaaliyeed oo aan qabiil lahayn, una dhaxeeya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Intaas oo wasiiro ah waan la hadlay waan la fariistay, waxaan u sheegay qabiil ma matalaan, qabiil qofkii rabo inuu ma talo waa inuu noqdo kaabo qabiil, haddii uu rabo inuu dowladdaan ka mid noqodo wuxuu matalaa wasaaradaasi, wuxuuna u matalaa umadda Soomaaliyeed,….ilmahaas aan dhalan weli iyo kuwa hadda dhibaatoonaya oo qaxaya oo abaaruhu ay baabi’iyeen iyo qofka roon kulli amaanadaasi iyagay ka wada dhaxeysaa, oo qof dowladdaasi ku jira ama magac leh oo aan ogahay inuu umaddaasi shilin ka qaato waxaan idiin ballanqaadayaa ineysan dhici doonin, waxa aan ballanta ku qaaday oo dadku igu taageereen waxaa kamid ahayd cadaaladda, waxaan idiin sheegayaa anaa ugu horreeya oo madaxweynaha ah anigu qabiil ma lihi, Soomaali baa i dooratay, Soomaali baan u dhaxeeyaa, qof aan qabiil kusoo dhoweysanayo ma jiri doono, qof aan qabiil ku fogeynaayana ma jiri doono” ayuu yiri Madaxweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda cusub ee hoggaanka uu u hayo Madaxweyne Farmaajo waxa ay ka sugayaan isbedallo dalka uu galo iyo horumar.

Goobjoog News