U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Qofkii Lagu Arko Isaga Oo Isbaaro Taagan Naga Mid Ma Ahan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaya in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in qofkii la arko isaga oo Isbaaro dhiganaya inaanu dowladda kamid ahayn.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan degmada Afgooye iyo guud ahana gobolka Shaballaha hoose ayuu u sheegay in si wadajir ah loola dagaallami doono cid walbo oo Isbaaro shacabka u dhiganeysa.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay safar dhulka ah ku tagay degmada Afgooye, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News