U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Soomaali Wey Midowday (Maqal)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa xalay khudbad u jeediyay qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingariiska, wuxuuna khudbaddiisa kaga hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ayaa si isku mid ah ula hadlay shacabka iyagoo uga warbixiyay xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay mideysan yihiin guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayna iska tuureen qabiil iyo wax lamid ah, wuxuuna sheegay iney ka shaqeyn doonaan midnimada iyo dowlad wanaagga.

“Waxaan rabaa inaan inaan halkaan idiin kaga caddeeyo in Soomaali ay midowday, shacabkeeda midoobeen, qabiil iyo qurunkiisa waan tuurnay, annaga waxaan qaadaneynaa howl, annaga howshaan qabaneyno waxay tahay inaan ka shaqeynno midnimo, micnaheedu waxay tahay dowlad qurxoon, dowlad wanaagsan, horumar iyo umad Soomaaliyeed oo walaalo ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga baahan yahay iney garab siiyaan dowladdooda oo haddii ay qaldan tahayna ay iyagu qabtay.

Soomaalida Uk ayuu madaxweynaha kula dardaarmay iney ilaaliyaan sharciga dalka ay joogaan maadaama uu magangalyo siiyay.

Halkaan hoose ka dhageyso codka madaxweynaha

Goobjoog News