U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan Ku Dedaaleynaa Horumarinta Xuquuqda Shaqaalaha”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saari doonto horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ugu horreyn waxa uu shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-da May, wuxuuna tilmaamay in wax badan laga qabanayo xuquuqda shaqaalaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in xukuumadda federaalka ay gacanta ku hayso dhammeystirka sharciga shaqaalaha rayidka oo kala hadi doona shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha.

“Dowladdu waxay ku dadaaleysaa horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana haatan ay Xukuumadd Federaalka Soomaaliya gacanta ku haysaa dhameystirka shirciga shaqaalaha oo kala hagaya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha iyo siyaasadda shaqaaleysiinta, sidoo kale, waxaa Golaha Shacabka horyaalla Sharciga Shaqaalah Rayidka ah oo u dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay. Shuruucdaas waxa ay muhiim u yihiin dhowrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha.

Sanad walba maanta oo kale, 1-da May waxaa loo dabaaldegaa maalinta shaqaalaha adduunka, iyadoo dalka ay ka jirto shaqo la’aan baahsan.

Goobjoog News