U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Kormeeray Wasaaradaha Puntland Iyo Goobo Kale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer aan la sii shaacin ku tagey dhammaan xarumaha wasaaradaha Puntland, kaasi oo uu ugu kuurgalayey sida ay u socoto shaqooyinka wasaaradahaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa kormeeray xarumaha wasaaradaha kala ah Qorsheynta, iyo xiriirka caalamiga, Beeraha iyo Waraabka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska, ganacsiga iyo warshadaha, shaqada iyo shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha, amniga, xarunta maamulka gobolka Nugaal iyo xarumo kale.

Waxa uu Gaas indho indheeyay qaabka ay u socdaan dhammaan shaqooyinka wasaaradaha maamulkaasi, wuxuuna la kulmay dhammaan wasiirada oo xilligaasi shaqo ku jiray iyo shaqaalaha wasaaradaha.

Bashiir C/raxmaan oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in socdaalka Gaas uu ahaa mid kedis looga dhigayey dhammaan wasaaradaha si loo hubiyo shaqada ay bulshada u hayso.

“Shaqooyinka umadda loo hayo si loo ogaado, si loo hubiyo xaadir ku ahaanshiyaha wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradaha xarumahooda shaqada, madaxweynaha waxa uu kormeer aan lasii shaacin ku sameeyay dhammaan xarumaha wasaaradaha dowladda, wuxuuna soo arkay madaxweynuhu howlaha oo u socda sidii loo baahnaa” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas horay sidan oo kale wuxuu u kormeeray xarumaha wasaaradaha, isaga oo kormeerkiisa kadib isku bedalay qaar ka mid ah wasiiradiisa.

Goobjoog News