U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadkii Ay Saameysay Dabaylihii Ku Dhuftay Gobalka Bari

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dabylo dhawaan ku dhuftay deegaanno ka mid ah Puntland, kuwaasi oo khasaare hantiyeed geystay.

Gaas oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa sheegay in marka hore ay ka xunyihiin dhibaatada soo gaartay dadka deggan deegaanada xeebaha bari ee Puntland.

Waxa uu tilmaamay inay dumeen guryo badan oo ku yaalla gobalka Bari iyo gobalka ay iyagu magacawdeen ee Gardafuu.

“Dabayluhu ku dhuftay Gardafuu iyo Bari waxa ay khasaare soo gaarsiiyeen xarumo u badan kuwo bulshada loogu adeego iyo guryo dadku ay deganaayeen, waxa ay saameeyn ku yeesheen Isbitaallo, Iskuullo iyo xarumo kale oo dadka loogu adeegayay” ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay kaalin xooggan ka qaataan gurmad loo fidiyo dadka ay dabayluhu saameeyeen.

Deegaanno ku yaalla xeebaha bari ee Puntland waxaa dhawaan ku dhuftay Dabaylo xooggan kuwaasi oo sababay burburka guryo dhowr ah, waxaana deegaanadaasi ka barakacay dad badan, iyadoo ay jiraan kumanaan ruux oo halkaasi ku go’doonsan.

Goobjoog News