U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas: Puntland oo kaliya ayaa lagu casuumay ka qeybgalka shirka maalgashiga Afrika

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamul Goboleed Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa maanta ka amba baxay magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal isaga oo ku sii jeeda dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya.

Madaxweyne Gaas oo ka hor inta uusan ka bixin garoonka diyaarada ayaa waxa uu la hadlay Saxaafada waxa uuna sheegay in uu ka qeybgalaayo maalgashika Afrika kaas oo lagu qaban doono London.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland oo kaliya lagu casuumay shirkaas marka laga hadlaayo Soomaaliya iyagana ay tahay guul u soo hooyatay qorshe cadna ay halkaas geysan doonaan.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay markuu kasoo laabto dalka Ingiriiska uu soo mari doono Itoobiya si uu ula soo shiro madaxda dalkaas oo ay ka hadli doonaan danaha dhaxdooda ah.