U bood dhigaalka

Madaxweyne Geelle oo Shaaciyey Inuu Yahay Mashax Doorashada 2021-ka

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha wadanka Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay musharax madaxweyne doorashada soodan ee Bisha April 2021  ka la filaayo in ay qabsoonto wadankaasi.

Madaxweynaha oo ka hadlayey telefishinka dalkaas ayaa yiri “ Waxaa ay ii tahay sharf weyn marka hore, kadib wixii aan arkay ayaa aad u taabatay darenkayga, waxaan ku leeyahay waan idiin taageersanahay waana ka qeyb galayaa.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay noqonaysaa jawaabtii ugu horeysay ee k u sheego inuu ka qey galayo doorashada dalka waxaana  dalkaas uu madaxweyne ka noqday 9-kii April 1999-kii.

Goobjoog News