U bood dhigaalka

Madaxweyne Guudlaawe oo Ka Tacsiyeeyay Dad Lgu Dilay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka golayaasha maamulka iyo shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadii ka dhacday gobolka Hiiraan, taas oo  Al-shabab ku dileen dad la socday gaadiid siday cawino oo ku siijeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaas sida xaqdarada ah loo xasuuqay, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna Alle uga baryay in Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-shabaab  ay ku jabeen dagaaladii wadajirka ahaa ee lala galay, waxa uuna inaa raaciyay in xoojin doono howlgalada baahsan ee ka socda, waxaana hadalkiisa uu kusoo aadayaa iyadoo la gubay 7 gaari lana dilay 17 ruux, kuwaas oo la socday gaasiid ka baxay Baladweyne oo ku siijeeday Maxaas.

Dhacdadaan lagu dilay dadka shacabka ah ee la socday gawaari siday shaashin ku siijeeday degmada Maxaas, ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada xoogga ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan gobolka Hiiraan, iyaga oo la wareegay deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Goobjoog News