U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Addis Ababa U Tagey Xallinta Dagaalladii Waqooyiga Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray magaallada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa madaxda dalkaasi kala hadlaya sidii xal looga gaari lahaa dagaallo dhawaan ka dhacay gobolka Galgaduud gaar ahaan xadka gobolka Galgaduud ee dalka Itoobiya.

Mr Guuleed ayaa la filayaa in kulamada uu la yeelanayo madaxda Itoobiya lagu soo afjaro dagaalladaasi, islamarkaana go’aanno cad cad laga soo saaro, gaar ahaan shacabkii ay ciidanka Liyuu boolis ku dileen waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa safar ku tagi doona magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu la kulmi doonaa dhiggiisa maamulkaasi oo ay ka wada hadli doonaan dagaallada dhacay.

Dhinaca kale waxgaradka ku dhaqan gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweeyay safarka Madaxweyne Guuleed ku tagay magaalada Addis Ababa, waxaana ay sheegeen in hadda ay ku haminayaan in la xalliyo wax walbo oo dhacay.

Nabadoon Maxamuud Carab Caalim oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeed ee uu wado Madaxweyne Guuleed.

“Waa arrin aad u wanaagsan in madaxweynaha Galmudug iyo xubno uu hogaaminayo ay tagaan magaalada Addis Ababa si looga wada hadlo xusuuqii ay ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen waqooyiga gobolka Galgaduud” ayuu yiri Nabadoonka.

Dagaal u dhaxeeyay dad shacab ah iyo ciidanka Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaan ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan kuwa ku dhaw xadka dalka Itoobiya.

Goobjoog News