U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed “Shacabka Hirshabeelle Hala Shaqeeyaan Maamulka Cusub”

Sheeko:Dalka

Iyadoo maalin ka hor magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe lagu doortay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa weli jira duubab dhaqan iyo siyaasiyiin aan ku qanacsanayn sida loo maray dhismaha maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo bogaadiyay dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ugu baaqayo in uu qeyb ka noqdo horumarka maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in shacabka labada gobol uu ugu baaqayo in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Hirshabeelle si loo gaaro horumar iyo baraare.

“Waxaan rabaa inaan ugu baaqo dadka shacabka ah in ay garab istaagaan maamulkooda, xataa madmadowga jira waxaan leeyahay ha lagu xaliyo si hoose, maxaa yeelay tabashada oo la xaliyo waa arrin lagu gaari karo horumar, dhammaan waxgaradka waxaan leeyahay ha taageeraan maamulkani cusub, si gaar ah waxaan baaq u jeedinayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah dadka ugu faca weyn ee odayaasha ah” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug.

Hadalkaan ka soo baxay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa ku soo aadaya iyadoo maalin ka hor magaalada Jowhar Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle loogu doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Cosoble halka ku xigeenna loo doortay Cali Guudlaawe.

Duubabka dhaqanka ee uu kamid yahay Ugaas Xasan iyo siyaasiyiin diidanaa dhismaha maamulkani Jowhar lagu soo gebagebeeyay ayaa weli ka hadlin aragtidooda ku aadan maamulka cusub.

Goobjoog News