U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed “Waxaa Naga Go’an In Dhamaadka Sanadkaan Aan Qabanno Deegaanada Naga Maqan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in sanadkaan 2015 ay gacanta ku dhigi doonaan dhammaan deegaanada maamulkaasi aanu ka talin.

Guuleed ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Galmudug la wareegistii deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn ee Mudug oo uu sheegay in ay yihiin kuwo muhiim ah.

Waxa uu tilmaamay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin sida uu sheegay Nabad diidka.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:-

Madaxweynaha Dowladda GalMudug ee Soomaaliya, Mudane Cabdikarim Xuseen Guled, ayaa ammaanay ciidamada GalMudug oo deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn maanta ka saaray kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Ciidamada GalMudug guushii maanta ay ka gaareen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn waa bilowga qorshaha kooxaha argagaxisada ah looga sifeynayo dhammaan deegaanada GalMudug, waxeyna mudan yihiin ammaan dhiirigelin iyo in laga taageero howlgalka soo celinta amniga iyo nabadeynta.”

Madaxweynaha GalMudug ayaa xusay inay muhiim tahay in laga wada qeybgalo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada oo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay howlgalka kaalin muhiim ah ka qaataan. Madaxweynaha oo arrinkan ka hadlaya ayaa yiri “Ciidamada GalMudug keligood kuma filna dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada, waxaana muhiim ah in la iska kaashado oo ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay deegaanka GalMudug u soo gurmadaan si howlgalka u noqdo mid miro dhala oo u horseeda amni waara iyo xasilooni ka dhalata deegaanda GalMudug.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya qorshaha xasilinta ayaa sheegay inay jiraan deegaano fara ku turis ah oo loo baahanyahay in si deg-deg ah looga howlgalo. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Dowladda GalMudug waxaa ka go’an in dhamaadka sanadka 2015 dhammaan deegaanada GalMudug ay gacanta Dowladda soo galaan oo kooxaha nabad-diidka laga saaro. Deegaanadaas haray ayaa waxaa ka mid ah Xarardheere Ceeldheer iyo Galhareri.”

Madaxweynaha GalMudug ayaa sidoo kale sheegay in shacabka GalMudug ay si aad ah u garab istaageen ciidamada. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Waxaan shacabka GalMudug uga mahadcelinayaa taageeradooda joogtada ah oo ay u hayaan ciidamada iyo Dowladda Galmdug. Waxaana shacabka ugu baaqayaa inay taageeradooda sii xoojiyaan, isla markaasna ay u gurmadaan wallaalahooda ku waxyeeloobay dagaaladii maanta. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa shacabka ay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga iyo nabadeynta.”

Camaara iyo Bacaadweyn ayaa ah goobo istraatejiyad ah oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Hobyo oo labadaba muhiim u ah GalMudug. Madaxweyne GalMudug ayaa yiri “Howlgalka maanta waa bilowga qorshaha xasilinta deegaanada GalMudug bacdamaa aan mudnaanta koowaad siinay amniga iyo nabadeynta deegaanada GalMudug. Camaara iyo Bacaadweyn waa tuulooyin muhiim u ah deegaanka oo goobo istraatejiyad ah ku yaala, waxaana rajeynayaa in shacabka deegaanka gaar ahaan ganacsatada ay ka faa’iideysan doonaan fursadan goobaha istraatejiyada ah loogu soo celinayo gacanta shacabka iyo Dowladda GalMudug.”

Madaxweyne Guled ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka iyo Beesha Caalamka inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa yiri “Soo celinta amniga iyo nabadeynta deegaanka waa in marka hore kooxaha nabad-diidka ah ee diidan nidaamka iyo dowladnimada laga xorreeyo goobaha ay ku harsan yihiin. Qorshaha Dowladda GalMudug ayaa ah in cid allaale iyo cidii nabada ogol loo fidiyo gacan nabadeed iyo dib u heshiisiineed. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Beesha Caalamka ay mudnaan gaar ah siiso amniga iyo nabadeynta GalMudug oo ay nala soo gaaraan kaalmo suurtogelisa in shacabka deegaanka ay u helaan amni iyo nabadeyn la isk haleyn karo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqey dhalinyarada la marin habaabiyey inay fahmaan inay heystaan fursad ay qoryaha isaga dhigaan oo ay nabadda ku-qaataan. Waxaana ugu baaqayaa shacabka inay kaalintooda ka qaataan sidii wiilashooda ay nabada u qaadan lahaayeen. Sidoo kale shacabka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay dowladda kala shaqeeyaan dib-u-heshiisiinta oo furo u ah horumarka iyo nabadeynta GalMudug.”

DHAMAAD