U bood dhigaalka

Madaxweyne Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Soo Gaarey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddo Afar sano ah dalka ka maqnaa.

Mas’uuliyiin ayaa kusoo dhoweynaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo bannaaanka gaaroonka ay ku sugan yihiin shacab doonaya in Sheekh Shariif ay soo dhoweeyaan.

Ammaanka ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadada isku xirta garoonka Muqdisho iyo isgoyska KM-4.

Wariyeyaasha ayaan loo ogolaan iney gudaha u galaan garoonka Aadan Cadde kadib ammar kasoo baxay maamulka garoonka oo sheegaya in 60 cisho ah aysan wariyeyaasha gudaha u geli karin Garoonka.

Sheekh Shariif ayaa saxaafadda la hadli doona, isaga oo warbixin ka dhiibi doona mudadii uu dalka ka maqnaa iyo hammigiisa xilligan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News