U bood dhigaalka

Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Oo Loo Dhaariyey Xildhibaan Golaha Shacabka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah waxaa loo dhaariyey xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, inta noloshiisa ka dhiman.

Waxa uu noqonayaa Xasan Sheekh, xildhibaankii 276-aad ee golaha shacabka, iyadoo Dastuurka KMG ee dalka u yaalla uu qabo in qofkii madaxweyne dalka ka noqda, xilkaasina dhammeysta mudadii loogu talogalay uu toos uga mid noqonaya xildhibaannada golaha shacabka inta noloshiisa ka harsan.

Dastuurka ayaa sidan leh:

Qodobka 64aad. Tirada xubnaha Golaha Shacabka

(1)         Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

(2)         Tirada xil-dhibaannada caadiga ah ee Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa 225.

(3)         Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(4)         Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.