U bood dhigaalka

Madaxweyne Jacob Zuma oo Xabsi Lagu Xukumay

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka south africa Jacob Zuma ayaa lagu xukumay 15 bilood  oo xabsi ah kadib markii uu ka dhaga laabtay amar ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka oo ahaa in uu maxkamadda hor yimaado si loo dhageysto eedo loo heysto .

Xukunka maxkadda ayaana yimid kadib markii loo yeeray Bishii February si gal dacwadeedkiisa loo bilaabo, madaxweeynihii hore ee koonfur afrika .

Zuma ayaa lagu soo eedeyay in uu ka dambeyay Musuq maasuq iyo eedo dhaqaale oo uu sameyay intii u dhaxeysay sanadihii 2009-kii ilaa iyo 2018-kii.

Horay ayeey aheyd markii Zuma uu sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin kiiska loo heysto ee maxkamadda horyaalay xilligaas.

Goobjoog News