U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xgeenka Hirshabelle Oo Gaaray Beledweyne

Sheeko:Amniga
Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka hirshabelle (Yusuf Axmad Hagar dabageed) ayaa maanta si weyn logu so dhaweyay magalada baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan .
so dhawynta waxaa ka soo qeyb galay masuliyiinta mamulka gobalka oo uu hogaaminayay gudomiye cali jeyte cismaan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo intooda badan watay Borar ay ku xardhanyahiin sawirada madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.
So dhaweyn kedib Wafdiga ayaa loo galbiyay Xarunta Mamulka gobalka Hiiraan halkaas oo Madaxweyne ku xigeenka kula kulmay masuliyiin ka tirsan mamulka gobalka siyaasiyiin iyo odayaal dhaqmeedyo .
Gudomiyaha gobalka hiiraan cali jeyte Cismaan ayaa wafdigaaan u fidiyay kalmado so dhaweyan ah
Masuliyiintii kale ee qeybta ka ahaa Wafdiga ayaa qudhoodu ka mahadceliyay sida quruxda badan ee loo so dhaweyay .
Ugu danbeyntii madxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Hishabelle (Yusuf Axmad Hagar dabageed) ayaa u Mahad Celiyay shacabka reer Hiiraan ee sida Qiimaha badan u soo dhaweyay isaga oo shegay in inta uu ku suganyahay hiiraan uu la kulmi doono cid waliba oo qabta tabasho lana qancin doono
Goobjoog News