U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Dhawaaqay Howlgallo Ka Dhan ah Al-shabab

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo xalay ku hoyday deegaan Bulacle oo ah jiida hore ee dagaalka gobolka Galgaduud ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowladda iyo Al-shabab ayaa sheegay in la bilaabayo howlgallo ka dhan ah.

Madaxweye ku-xigeenka oo  wafdi uu hoggaaminaayo oo  kamid ahaa wasiirka amniga gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga qeybta 21-aad, ayaa xusay xusay in loo baahan yahay in guud ahaan ciidamada kala duwan ee xoogga dalka ay ka qeyb qaataan howlgalka deegaannada Galmudug.

“ Waxaa bilowday howglakii dib u xoreynta deegaannada la heysto ee Galmudug, waxaana ka qeyb qaadan doono Milaratiga, Booliskaay iyo Nabadsugidda, waaana howlgalkaas nagu caawin doona saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cuirka naga taageeri doona, howlgalkaan waa uu bilowday waana la xoreynayaa deegaannada maqan” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa waxaa ay ku soo aadayaa iyadoo maalinimadii shalay deegaan ka tirasan gobolka Mudug oo maamul ahaan hoos yoimaado Galmudug ay ku dagaalameen dad xoolo dhaqato ah iyo Al-shabab, madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan jiida hore ee Bulacle.

Goobjoog News