U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Dhiirogaliyey Maalgashiga (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan deegaanada Galmudug, isagoo xusey in fursado badan oo laga macaashi karo uu gobolka ka jiro.

Wuxuu ka hadlayay xaflad balaaran oo xariga looga jarayay hotel cusub oo lagu magacaabo Hoteel Embassy oo balaarin iyo dayactir lagu sameeyey.

Xafladda oo ahayd qado sharaf ganacsatada Gaalkacayo inteeda badan la’isugu keeney ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay milkiilaha Hoteel Embassu Cabdullaahi Sheekh Dhudhun oo balanqaaday adeeg hufan iyo soo dhaweyn.

 

3 22 19 18 17 15 11 10 8 7 5

Goobjoog News