U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Oo Xalinaya Xiisad Ka Jirta Degmada Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo waxaa shalay gelinkii dambe gaaray madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halkaasi oo maalmahaan dambe ay ka jirtay xiisad u dhaxeysa maamulkii Hore ee gobalka Gedo iyo midka dhawaan loo soo magacaabay halkaasi.

Fartaag ayaa la kulmi doona waxgaradka ku dhaqan degmada Garbahaarey, waxaana uu kala shirayaa sida lagu dhameyn karo xaaladda iminka jirta iyo xalka ugu dambeeya waxa uu yahay.

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Garbahaarey ayaa u sheegay Goobjoog News, in Jeneraal Fartaag uljeedka ugu weyn ee halkaasi u gaaray ay tahay in la xalliyo xiisadda ka jirta degmadaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa la kulmi doona gudoomiyahii xilka laga qaaday ee Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo isaga weli ku adkeysanaya inuu yahay gudoomiyaha saxda ah ee gobalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News