U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Oo Maanta Hortaga Maxkamadda The Huge

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamadda dambiyada aduunka ee The Huge.

Ruto ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadamka, waxaana qareennada maxkamadda ay ka tashan doonaan in kiiska dacwaddan ay sii socon karto loona hayo caddeymo ku filan ama in la’iska tuuro.

Labo Todobaad ayaa la filayaa in go’aan looga soo saaro sii socoshada Kiis dacwadeedka loo haysto madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, iyadoo arrinka laga eegi doono caddeymaha la hayo iyo sida kiiskan ay ugu filnaan karaan.

William Ruto ayaa loo haystaa inuu mas’uul ka ahaa dhibaatooyinka ka dhacay dalka Kenya sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii, ka dib doorashooyin ka dhacay dalkaasi oo ka dhashay muran sababay in shacab badan la laayo.

The Huge ayaa horayu tuurtay dacwaddii loo haystay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii la waayay caddeymo ku filan.

Goobjoog News