U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Koofurta Suudaan Oo Jagada u Baneyn Doona Machar Iyo IGAD Oo Ciidamo U Direysa Dalkaas

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Koofurta Suudaan Taban Deng Gai ayaa waxaa uu sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu jagada uga tanaasulo Riek Machar haddii ninka dambe uu ku soo laabto Jubba.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka mid ah madax ka qeybgaleysa shir ay IGAD uga socda Adis Ababa.

Shirkn oo uu ku baaqay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Mareykanka iyo kooxaha isku jirka ah oo ilaalinta iyo dabagalka xabad joojinta dalka ugu yar caalamka.

Dalalka IGAD ayaa doonaya in ay ciidamo geeyaan dalka Koofurta Suudaan, kadib markii ay adkaaday in dalaaski uu ismaamulo.

“Koofurta Suudaan, waxaa ay shuruud la’aan u aqbashay in ciidamo loo diro” sidaa waxaa sheegay Mahboub Maalim oo ah madaxa IGAD.

Xasan Sheekh, Uhuru Kenyatta, Hailemariam Desalegn iyo madax kale ayaa ku sugan Adis si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xaaladda Koofurta Suudaan oo qasan muddo ka badan 6 bil.

Goobjoog News