U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Booqday Goobihii Ay Ka Dhaceen Qaraxyadii Gaalkacyo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey, xubno ka tirsan wasiirada maamulkaasi iyo taliyeyaal ciidan ayaa maanta oo Isniin ah booqday halkii ay shalay ka dhaceen qaraxyada magaalada Gaalkacyo oo dad badan ay ku nafwaayeen.

Waxa uu ugu horreyn Madaxweyne ku xigeenka uu tagey xarunta dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ahayd halkii lagu weeraray qaraxayda.

Injineer Camey ayaa sidoo kale tagey Isbitaaalka Gaalkacyo oo lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi, wuxuuna ilaahay uga baryey Caafimaad.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in Puntland ay sii xoojin doonto dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Hoos ka arag sawirada

Cameey Bb9 B9 B8 B7 B6 B5 B3 B4 B2 B1

Goobjoog News