U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Gaaray Boosaaso iyo Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga

madaxweyne ku-xigeenka dowlag goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa maanta gaaray magaalada Boosaso ee gobolka Bari, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweyne kadib Axmed ayaa  ka qeyb galay kulan ay lahaayeen golayaasha degmada, midka gobolka iyo saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan, waxaana looga hadalay amniga degamada iyo midka gobolka bari.

Magaalada Bosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa hadana waxaa ay tahay magaalada labaad ee loo asteeyey in ay ka dhacdo doorashada Baarlmaanka heer federal, ciidamada ayaa kawada howlgallo kala duwan.

Goobjoog News