U bood dhigaalka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe kula kulmay Agaasimaha Xafiiska EUCAP-NESTOR (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska EUCAP-NESTOR ee Soomaliya Mr.Pierre Aime Riccio  iyo wafdi uu hogaaminayey.

Mr.Pierre Aime Riccio ayaa waxaa la socday saddex xubnood oo kale, kuwaa oo ka tirsan xafiiska EUCAP-NESTOR ee Soomaliya.

Waxaa madaxweyne ku xigeenka Puntland ku wehliyey qaabilada wafdiga Agaasimaha habmaamuuska Madaxtooyada Puntland Cabdisalan Xasan Ducaale.

Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay ka mid ahaayen:-

1: Tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Badda Puntland ,si loo ilaaliyo xeebaha Puntland oo ah xeebta ugu dheer soomaaliya .

2: Kor u qaadida aqoonta xeer ilaaliyaasha Puntland

3: Tababarka Garsoorayaasha Maxkamadaha Puntland.

Waxa ay Labada dhinac isku afgarteen in tababarada dibadda lagu qabto loo soo wareejiyo gudaha dalka gaar ahaan Puntland, maadaama kharash badan uu ku baxo, iyadoo Puntland ay leedahay Xarumo lagu bixiyo tababaro sida Akadamiyada Carmo iyo Akadamiyada Ciidanka Asluubta ee Garoowe .

IMG-20141028-WA0025

IMG-20141028-WA0027

IMG-20141028-WA0030