U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Kenya oo Dalbaday in Ciidamada Kenya Laga Soo Saaro Soomaaliya

Sheeko:Dalka

MusyokaKolonzo Musyoka oo ahaa dadkii saxiixay in ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya sanadkii 2011-kii xiligaasi oo uu ahaa madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa hadda dalbanaya in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

Kolonzo ayaa sheegey in joogitaanka ciidamada ay ugu wacantahay dhibaatooyinka amni daro ee ka jira gudaha Kenya, sidaasi darteedna ay tahay in si qorsheysan ay ciidamada Kenya oga soo baxaan Soomaaliya.

“Waa in aan ka fikirnaa qorshe xeeladeysan oo looga soo boxo Soomaaliya, wax laga baqdo ma jiraan ama laga xishoodo” ayuu yiri Kolonzo oo intaasi ku daray in sii joogitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay amni darada ka jirta gudaha Kenya.

Kolonzo waxa uu farta ku fiiqey in ka bixitaanka ujeedkiisa uu noqdaa in la illaaliyo danaha Kenya, gaar ahaan dalxiiskii oo aad u yaraadey Kenya.

“Ma difaacayo Lenku (Wasiirka amniga qaranka Kenya) ama Kimaiyo (Taliyaha Booliiska) ee waxaan hubaa in ragga oo dhan ay yihiin kuwa fashilan. Kubbadda waxa ay la jirtaa madaxweynaha” ayuu intaasi ku daray isaga oo dhaliiley hogaaminta madaxweyaha dalkaasi Uhuru Kenyatta .

Goobjoog News