U bood dhigaalka

Madaxweyne Lafta Gareen Oo Hambalyo U Diray Ciyaartooyda Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambaliyo iyo Bogaadin udiray kooxda Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed oo Guul muhiim ah ka gaartay naadiga Jubbaland,iyagoo sanadkii sadexaad ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Hambalyo Kooxda Kubada Cagta koonfur Galbeed oo ka guulaystay Ciyaartooyda Jubaland,Guusha aad gaarteen waa guul weyn oo aad soo hooyseen dhammaan Ummadda Koonfur Galbeed” ayuu bartiisa facebook ku soo daabaday Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).

“Ahmyideena ugu weyn ee aan lee nahay sanadkan waan in aan ku guulaysanaa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir 2020,ciyaartooydan waxa ay matalyaan dhamaan shacabka reer Koonfur Galbeed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax

“Lacgtan waxa ay billow u tahay horomarinta iyo kor u qaadida ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda Koonfur Galbeed,hadii aanu nahay Xildhibaanada heer Fedraal ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed,way naga go’antahay horomarinta kooxdeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Daahir Cabdi Cabdullahi(Dr.Go) oo ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya.

Si kstaba Kooxda Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa sanadkan ka duwan Sanadihii hore,Waxaana Xildhibaanada iyo Madaxda Koonfur Galbeed ay balan qaadeen in ay garab taaganyihiin guulaha kooxda.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Guushii Kooxda Koonfur Galbeed

Sidoo Aqriso Ciyaartooyda Oo Lagu Wareejiyay Dhaqaalo Lacageed

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/ciyaartooyda-koonfur-galbeed-oo-lagu-wareejiyay-dhaqaalo-lacageed-oo-ka-timid-xildhibaanada-baarlamaanka-golaha-shacabka-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle