U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen Ayaa Kulan La Qaatay Wafdigii Ka Socday DF Ee Baydhabo Gaaray

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafgareen) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley wafdigii oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Federaalka oo Maanta Baydhabo gaaray.

Soo dhaweyn akdib kulan gaar ah oo ay wada qaateen ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Boostada isgaarsinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdi Canbshuur Xasan ayaa sheegay in ay ka ga go’an inay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeyneed la yeeshaan dowlad goboleedyada dalka oo dhan si loo helo qorshe loo wada dhanyahay.

Wasiir Cabdi Canshuur ayaa la filayaa in Maalinta Berrito ah uu Magalada Baydhabo ka furo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Feer Federaal & Heer Dowlad-goboleed.