U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen Oo Gaaray Dhuusamareeb+Sawirro

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowald goboleedka Galmudug, iyadoo halkaasi lagu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweynaha Galamudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tiran maamulka, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku biirayaa wafdiga madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay ugu gaaray magaalada, waxaana la sugayaa sidoo kale madaxda maamullada Jubbalan iyo Puntland.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay marti gelinaysaa shirka madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inuu furmo gelinka dambe ee maanta sida horay loo shaaciyey, waxaana looga hadli doonaa arrimaha guuddalka.

Goobjoog News